Berbera Local Goverment
WELCOME TO BERBERA CITY GOVERMENT & MUNICIPALITY
Guddoomiyihii hore ee Golaha
deegaanka ee Gobolka Saaxil, isla
markaana ahaa Maayarkii
Magaalada Berbera
Siciid Daa’
uud Cilmi (Alah Yaraxma)
Building_ka Dowlada Hoose ee
Berbera. Berbera City Hall
Somaliland Gov. Links
City Services Guides

  • Hotels

  • Airport Service

  • Transportation

  • Restruants
Somaliland/News Links
Berbera Local Goverment!
Somali Audio News
Somaliland Newspapers
Ku simihii ahna ku xigeenka
Guddomiyaha Golaha Deegaanka
 
Abdi Jaamac Faduul.
Maxjarka Xoolaha ee Berbera
Markab Dekeda taagan
News/Event
Guddoomiyihii u  horeeyay ee
Golaha deegaanka ee Gobolka
Saaxil,isla markaana ah maayarka
magaalada Berbera:
Cabdalle
Maxamed Carab (Sandheere)
Telesom building

 Waxgaradka G/Saaxil  & Sharciyada Bixinta Saldhiga  Berbera.














Dhamaan marka hore waxaanu  Salamaynaa Qaybaha kala duwan ee Somaliland  
waxaana aanu ku salamaynaa Salaanta Islaamka oo aan leenahay.
Asalaamu Calaykum Wa Raxmatulaalahi Wabarakaatu,  

Intaa ka dib , Anagoo ah Odayaasha, Aqoonyahanka, Waxgaradka Iyo Siyaasiyiinta
Gobolka Saaxil ee magacyadoodu ay hoos ku xusanyihiin ,  
Waxaanu u sheegaynaa qaybaha Kala Duwan ee Somaliland .
in beryanahan aan saxaafada Somaliland iyo dhamaan kuwa Caalamka ka
maqlaynay in La bixiyey Saldhigii Mileteriga ee Berbera oo Madaxweynuhu Siiyey
Mareykanka taas oo madexweynuhu dhowr jeer kaga dhawaajiyey in arintaasu  jirto .
Hadaba anagu Hadaanu nahay Odayasha iyagu baaqan qoray kama xumin mana
diidanin Bixinta Sadhigan Berbera oo waxaanu  ula simanahay Umada Somaliland
arintaas,  laakiin waxaa aanu ka hadlaynaa waa sharciyad waayo Madaxweynuhu
xaq ayuu u leeyahay inuu heshiiskasta la galo cidii uu maslaxad bido, lakiin waxaa
sharciyan waajiba inuu madaxweynuhu horgeeyo Golaha wakiilada (Barlamaanka )
in heshiiska dan u yahay Umada Somaliland oo aanay ahayn dan Shaqsi , waa in
Barlamaanku Ogadaan waxkasta oo heshiiskaasu yahay taas oo ah Shaqadii
Golaha wakiilada.

       Waxaa waajiba in sharciyad lagu saleeyo wax kasta oo heshiisa  , waa  in
Madaxweynuhu  horkeenaa Barlamaanka Somaliland  Heshiiskaa(Saldhiga
Berbera) ee uu la  galay mareykanka .
Barlamaankuna waa in uu  Madaxweynaha u sheego in uu  raaco sharciga oo uu
Keeno heshiiskaa uu galay , haddii uu ka dhago-adaygo waxaa ku waajiba
Barlamaanka inay Wasaaradaha Arimaha Dibada iyo Gashaandhiga Mareykanka(
USA) ay u qoraan warqad ay kaga hadlayaan Sharciyada inay ku dhaqmaan Iyagu
oo ay ku Qasbaan Madaxweynaha inuu Barlamaanka Hordhigo heshiiskaas  
Madaama ay u bahanyihiin wax sharciga Somaliland Waafaqsan , oo dowlad kasta
oo Somaliland Ixtiraanto Sharciyadaas , markaa maaha wax aan la ogeyn oo aan
sharciyad waafaqsanayd in lagu lugooyo..

Waxaa jira werwer badan oo ku saleysan dhibaatooyinkii hore ee saldhigaas iyo
sida loogu guuldareystay wax ka qabadshadiisii  haayadihii ku shaqada lahaa sida
ay  suurta gal u tahay inay dhibaatadaasi ku sii fido gobolka Saaxil , iyadoo ay ka
dhasheen xanuuno badan welina aan waxba laga qaban.
Aafo Badan oo ay sameysay Suntii hadhaaga ahayd ee ay ka  tageen ciidamadii
isticmalay Saldhigaa ee ahaa Mareykanka Iyo Gaar ahaan  Ruushka taas oo
waxyeelo badan gaadhsiisay Degaanka ku xeeran saldhigaas oo in badan laga
qayliyey una baahan in ay ku jirto heshiiska sidii wax looga qabanlahaa dhibaatada
hore ee dhacday oo indhahana laga qarsaday dhegahana laga fureystay iyo ta soo
socota  waxyaalaha masiibooyinka ee soo socda ayaa u baahan in si weyn looga
baaraandego.

Waxaanu Gaar ahaan ka codsanaynaa madaxweynaha in sida sharciyadu ay tahay
uu barlamaanka uu geeyo Heshiiskaa Saldhiga Magaalada Berbera .

Barlamaankuna waa in  aanay ka hadhin waayo waa mid u baahan  in sharciga la
waafajiyo iyo danaha Somaliland , iyadoo dhinac kasta laga eegayo oo ah arimahaa
aanu ka sheekaynay  , taas oo ay xaq u leeyahay Golaha wakiilada Somaliland in
dhinac kasta ka eegaan .
Waxaan haboon in Dadka Reersaaxil markasta eegaan danaha Somaliland iyo Ta
gobolkooda Saaxil oo aad moodo in Mudo aad u farabadan  laga soo bilaabo la soo
noqoshadii Somaliland ay xoog  u kala daadsanayeen loona baahanyahay in dib ay
isu habeeyaan kana shaqeeyaan horumarka Gobolkooda oo dibudhac badani ka
muuqdo.

Magacyada Odayaasha ReerSaaxil ee Baqaas Qoray .
1.  Shucayb Maxamed Gurux
(Berberaawi).                                                                       
2.  Maxamuud  Cali Axmed(Jaadhi).
3.        Mujaahid Cabdiraxmaan Cawil Xasan.
4.        Mujaahid Salebaan Cumar Ku-Joog.
5.        Prof, Cabdilaahi Cali Axmed.
6.        Axmed (Khalaq)Cabdilaahi Xuseen(Ina Xabashi).
7.        Maxamed Daahir Axmed Xaaji Adan
8.        Mujaahid,Maxamed Ismaciil Adan(Ina Direys)
9.        Maxamed  Diiriye Nuur (Fariid).
10.        Dr, Cabdiqaadir Ciise Maxamed X.Adan.
11.        Mustafe Adan Shanle..
12.        Sidiiq Huruufe .
13.        Abokor Mahdi Ciise.
14.        Cumar cabdilaahi yaasiin.
15.        Mujaahid Axmed Daahir Diiriye.
16.        Dr, Maxamed cabdiraxmaan Cali.
17.        Axmed Xasan  CaliYare (Like) AfHayeenka Saaxil.
18.        Dr, maxamed Daahir Diiriye.
19.        Dr, Cabdiqaadir Keyse Macaleesh.
20.        Axmed Cabdi Axmed(Ina garwaf)
21.        Eng, Caydaruus X.Xuseen Diiriye.
22.        Cali Cabdilaahi Weyd(Ina Cabaade).
23.        Ciise Muuse Weyd.
24.        Xariir Cabdilaahi Ducaale .
25.        Liibaan Axmed Cabdi.
26.        Mujaahid Rashiid Xasan Shire.
27.        Eng Axmed Muuse.
28.        Xasan Carmiye Ciise.
29.        Ibraahim Xasan Ciise.
30.        Xuseen Cumar Hure.
31.        Dr,Cabdirisaaq Axmed.
32.        Mujaahid, Maxamed X.Maxamuud Jamac



                       -ALLAA MAHAD LEH –

By Written
, Maxamuud Cali Axmed (Jaadhi ) Birmingham UK.