WELCOME TO BERBERA CITY GOVERMENT & MUNICIPALITY
|
Building_ka Dowlada Hoose ee
Berbera. Berbera City Hall
Ku simihii ahna ku xigeenka
Guddomiyaha Golaha Deegaanka
Abdi Jaamac Faduul.
Maxjarka Xoolaha ee Berbera
|
Shir lagu falanqaynayo Xeer loo sameeyey Shaqaalaha Dawlaha Hoose iyo Wakaaladaha Biyaha Somaliland oo maanta ka furmay Magaalada Hargeysa.
|

Hadhwanaag 2008-01-13 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN)- Wasiirka Arrimaha Gudaha
Somaliland Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro) ayaa maanta Shir lagu falanqaynayo Xeer loo
sameeyey Shaqaalaha Dawlaha Hoose iyo Wakaaladaha Biyaha Somaliland, waxa uu uga furay
xarunta Hay’ada shaqaalaha Somaliland xubno isugu jiray Maayarada qaar ka mid ah magaalo
madaxda Soamaliland iyo Agaasimayaal. Iska markaana waxa uu canaan dusha uga tuuray qaar
ka mid ahaa Maayaradaas oo shirkaa aan ka soo xaadirin.
Shirkaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’ada shaqaalaha Somaliland, isla markaana socon doona
muddo laba maalmood ah, waxaa ka soo qayb galay in ka badan labaatan xubnood oo isugu jira
Maayarada shan magaalo-madaxeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maayarka Caasimada
Hargeysa, ka Boorama, ka degmada Gabilay, ka Berbera iyo Maayarka Burco. Inkasta oo shirkaa
aanay ka soo xaadirin Mayaraada lagu casuumay marka laga reebo maayarka Gabilay, Wakiil ka
socday Maayarka Berbera iyo xoghaya Golaha degaanka ee Burco.
Waxaa kaloo iyaguna shirkaa ka qaybgalay Agaasimayaasha ay ka midka yihiin Agaasimaha guud
ee Wasaarada arrimaha gudaha, Agaasimaha qaabilsan waaxda dawladaha hoose ee
Wasaarada arrimaha Guddaha, Agaasimaha waaxda shaqada ee Wasaarada caafimaad iyo
shaqada, Agaasimaha Machadka tababarka shaqaalaha dawlada, Agaasimaha Hay’ada
shaqaalaha iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro) oo halkaa
ka hadlay ayaa ugu horayn sheegay in ay ayaan darro tahay in ay shirka ka maqnaandaan
Maayaradii uu khusaynayey. “Waa ayaan darro in Maayaradii ay arrintani khusaynaysay ama
Golayaashii degaanka ee ay ahayd in ay shantaa sannadood ee dhamaaday in ay sameeyaan
nidaam hadhaw lagaga daydo, iyagana taariikh u noqota dawladaha hoosena u noqda hanti, in ay
maanta wada maqnaadaan labada jooga mooyaane (Maayarka Gabilay iyo Wakiilka Maayarka
Berbera) in ay intoodii kale maqnaadaan waa ayaan darro.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ciro.
Waxa Wasiirku hadalkiisa intaa raaciyey oo uu yidhi “Runtii waxa ay ahayd hawl ay ahayd in ay
iyagu qabtaan, waayo dawlaha hoose loo shaqeeye iyo shaqeeye-ba, Dawladii hoose waa dadkii
u shaqaynayey in xuquuqdoodii la helo, oo iyaguna wixii ay ku xadgudbaan ee ciddaa ay u
shaqaynayaan ah ee dawlada hoose ah waa in ay qeexnaato salka cadaaladu waxa ay tahay.
hadaan laba hayn ninkii shaqaalaha ahaa marka uu wax sameeyo, wixii lagu lagu abaal marin
lahaa, taasina waxa ay ahayd hawshii ugu horasay ee ay qaban lahaayeen Golayaasha
deegaanku.” Ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali waxa uu maayarada
magaalooyinka Hargeysa iyo Boorame ku naqdiyay shirka ay ka soo xaadiri waayeen. “Maayarkii
Boorama Saaka waan soo kalahayaa ayuu telefoonka xalay iigu soo sheegay mana hayno.
Laakiin dee tii Caasimadii Hargeysa ee loo martida ee la fadhiyey, isla markaana ogayd waxa ay
muqdanayd (Maayarka caasimada ee shirka maqnaa) iyana waa su’aal.”
Waxaa kaloo Wasiirku uu kula dardaarmay ka qaybgalayaasha shirkaasi in ay si taxadir leh uga
baaraandegaan falanqaynta xeerkaas, isla markaana in si mug leh looga sii doodo inta aan loo
gudbin Golaaha Wakiilda.
Guddoomiyaha Hay’daha shaqaalaha dawlada Somaliland Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen
(Cadami) oo isna halkaa hadal dheer ka soo jeediyey, ayaa waxa uu ka faalooday sababtii keentay
in ay xeerkaas la sameeyaan iyo ujeedii ay ka lahayeen samayntiisa.
Waxaana Guddooyyihu hadalkiisii ku bibaalay oo uu yidhi “Ujeeda maanta shirkeenan waxa
weeye in aynu falanqayno, oo aynu isla eegno Xeer ay soo diyaarisay Hay’ada shaqaalaha
dawladu, oo ah sharciga shaqaalaha Dawladaha Hoose iyo Wakaaladaha Biyadaha ee hoos
yimaada dawlaha hoose. Wakaaladaha biyaha qaar baa madax banaan, oo ka madaxbanaan
dawlaha hoose oo iskood Hay’ado u ah. Laakiin sharcigan waxaa isaguna lagu dabaqayaa oo
hoos imanaaya dawlaha hoose Hay’adaha sida wakaalaha biyaha.”
Sidaa ayuu Md Cabdiraxmaan Cadami, oo intaa hadalkiisa raaciyey isaga oo faahfaahin ka
bixinaaya xubnaha ka soo qayb galay shirkaana waxa uu yidhi “Waxaa shirkan ka soo qaybgalay
cidda uu khuseeyo sharcigani, oo Dawladaha Hoose iyo Wakaalada Biyaha hoos yimaada ama
afka-qalaad lagu yidhaahdo Stakeholders (daneeyayaal) oo si dadban marka loo eego
dastuurkeena u hoos yimaada dawlaha hoose. Waxaa kaloo halkan jooga khubaradii
Wasaaradaha Arrimaha Guddaha xagga dawlaha hoose ama xagga sharciyada.”
Waxaa kaloo Md Cabdiraxmaan Cadami uu sheegay in shirkaa ay khaas ah ugu marti qaadeen
Agaasimaha guud ee waaxda shaqada ee Wasaarada shaqada iyo caafimaadka, oo uu tilaamay
in ay muhiin tahay in uu door ku lahaado xeerka loo samaynayo shaqaalaha dawlaha hoose iyo
Wakaaladaha biyaha. Isla markaa waxa uu xusay in sidoo kale ay shirkaa isna si gaar ah ugu
martiqaadeen Agaasimaha Machadka shaqaalaha dawlada, oo uu tilmaamay in tababar ahaan
uu shircigani uu khusayn karo.
Mar uu ka hadlyey Md Cabdiraxmaan Cadami cidda xaqa u leh in ay diyaariyaariso sharcigaas,
waxa uu yidhi “Runtii sharcigan dawlaha hoose, sida ay xaqiiqadu tahay waxaa xaq u leh in ay
diyaariyaan Golayaasha degaannada ee la doortay, maaha Hay’ada shaqaalaha iyo cid kale toona
in ay soo diyaariso. Laakiin duruufo jira awgeed, oo sida Hay’adaha kaleba haysta may suura-
gelin may dhicin in dawladihii hoose diyaariyaan sharciga shaqaalaha lagu maamulayo.” Ayuu
yidhi Md Cadami.
Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Sidaa darteed waxaa timid dhibaatooyin ay sharci la’
aantaasi ku keentay dawlaha hoose. Markaan sidaa lee yahay dawlaha hoose qaarkood sharci
way lee yihiin, oo ay ku maamulaan shaqaalaha. Laakiin wax caam ah loo dhan yahay maaha, wax
inta laga baaraan-degay oo cidda ay khusaynaysaa inta ay ka baaraan-degtahay baas-gareeyey
maaha. Laakiin waan wax ku meel-gaadh ah, taasi waxa ay keentay sida aynu had iyo goor
maqalno in dawladaha hoose, maadaama oo sharci shaqaale lagu qoraa aanu jirin in had iyo
goor laga cabto, oo la yidhaahdo shaqaalahii dawladaha hoose way tira bateen, mushaharkiibaa
intaas oo bilood loo waayey.”
Waxaa kaloo Guddomiyaha Hay’ada shaqaalaha Md Cabdiraxmaan Cadami uu sheegay in kolkii
shaqaalaha dawlaha hoose ay tirabatoodu badatay in ay luntay tayadii, aqoontii iyo iyo xirfadii lagu
dooranayey dadka la shaqaalaysiinayaa in ay laahaadaan, isla markaana waxaa uu tilamay in ay
marka la eryaayo qof shaqaale ah oo ka tirsan dawlaha hoose inaan inta badan lagu eryin wax
sharciya.
Waxaana uu xusay, iyada oo arrimahaas laga duulayo in Madaxweynaha Somaliland Hay’ada
shaqaalaha ku amray in ay samayso xeer arrintaas lagu maamulo. “Markay taasi tumi
Madxweynaha JSL Daahir Rayaale, waxa uu ku amray Hay’ada shaqaalaha dawlada in ay
samayso ama diyaariso sharciga dawlaha hoose ee dalka Somaliland. Sidaa darteed waxaa
maanta aanu halkan idinku qaybin doonaa (ka qaybgayaashii shirka) sharcigii aanu soo
diyaarinay.” Ayuu yidih Cabdiraxmaan Cadam.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in masuuliyiin dawlaha hoose ee
shirkaasi khusaynayey in badankoodu ka maqnaadeen shirkaas. “Kelmadayda ugu dambaysaa
waxa ay tahay Wasiirkuna dareemay (Wasiirka Arimaha gudaha) in Shantii Maayar ee aanu
casuunay (Maayarka Hargeysa, ka Gabilay, ka Berbera, Burco iyo ka Boorama) hadaanan
qaldanayn waxaa ka jooga Maayarkii degmdaa Gabilay, cidkasta oo arrinkan inala dananaysaa
ama Wasiirka daakhiliga amaba Madaxweynihii amarkan bixiyey, waxa uu u qaadan karaa in ay
dhayal sanayaan ama aanay si aad ah u danaynayn in shuruuc loo sameeyo Hay’adaha Dawlaha
hoosee dalka ee ay madaxda ka yihiin.”
Waxaa isna halkaa ka hadlay Mr Ignaxius Takawira oo Hay’ada UNDP u qaabilsan mashaariicda
horumtina maamul wanaaga, oo sheegay in ay Hay’ad ahaan inta badan ay xooga saaraan
hawlaha la xidhiidha maamul wanaaga. Waxaana shirkaas maarlgelisay isla Hay’adaas.
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
Hadhwanaagnews.com, Reporter.
Hargeysa Somaliland.
Cabdiheersare01@hotmail.com


Guddoomiyihii u horeeyay ee
Golaha deegaanka ee Gobolka
Saaxil,isla markaana ah maayarka
magaalada Berbera: Cabdalle
Maxamed Carab (Sandheere)