WELCOME TO BERBERA CITY GOVERMENT & MUNICIPALITY
|
Building_ka Dowlada Hoose ee
Berbera. Berbera City Hall
Guddomiyaha Golaha Deegaanka
Abdi Jaamac Faduul.
Maxjarka Xoolaha ee Berbera
|
Guddomiyaha Golaha
Deegaanka Abdi Jaamac
Faduul.
Hargeysa(Qaran)- Ku simaha Duqa ahna Maayar Ku xigeenka magaalada
Berbera, Cabdi Jaamac Faduul, ayaa maalinta khamiista ee fooda inagu soo
haysa u mudeeyay fadhi aan caadi ahayn oo golaha deegaanka ee
magaaladaasi ku dooran doonaan Maayar cusub kadib markii duqii hore
marxuum Siciid Daa’uud Cilmi, uu bishii la soo dhaafay ku dhintay markii
gaadhigiisii kula qalibmay jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera..
Mudeynta Fadhiga aan caadiga ahayn ee golaha deegaanka Berbera, waxa uu
ka dambeeyay ka dib markii 7 Xildhibaan ay soo jeediyeen in la qabto fadhi lagu
dooranayo maayar cusub.
Ilaa afar murashax oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha deegaanka Berbera
ayaa u tartamaya jagada duqa cusub ee kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin
Cabdi Jaamac Ducaale [Cabdi Musbaar], Cabdalle Maxamed Cali [Sandheere],
Yuusuf Cali Nuur iyo Maxamed Cumar, waxana olale xoog leh laga dareemayay
magaalada Berbera oo ay murashixiintaasi ku kala jiidanayaan kasbashada
taageerada Xildhibaanada golaha deegaanka oo ka kooban 21 xubnood.
Murashixiinta olalaha ugu jira xilka maayarnimo ee magaalada Berbera, ayaa
kulamo kala duduwan ku qabanayay Hudheelada waaweyn ee magaalada.
Kulanka golaha deegaanka Berbera ay ku dooranayaan Maayarka cusub, ayaa
ku soo begantay xili ay dhamaatay mudadii shanta sanadood ahayd ee la
doortay Golayyaasha deegaanka.
Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa
Loolanka Murashixiinta Duqa Cusub Ee Berbera Iyo Kala Jiidashada
Xildhibaanada G/Deegaanka