WELCOME TO BERBERA CITY GOVERMENT & MUNICIPALITY
|
Building_ka Dowlada Hoose ee
Berbera. Berbera City Hall
Guddomiyaha Golaha Deegaanka
Abdi Jaamac Faduul.
Maxjarka Xoolaha ee Berbera
|


Written by Qarannews.
Jan 10, 2008 at 11:41 AM
Hargeysa(Qaran)- Md Cabdalle Maxamed Cali [Sandheere] ayaa maanta
cod aqlabiyad ah loogu doortay Maayarka cusub ee magaalada Bebera,
ka dib markii uu ka adkaaday laba xubnood oo kula tartamayay jagadaas.
Fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha deegaanka ee Berbera,
ayaa saaka lagu qabtay xurunta Dawlada Hoose ee magaaladaas,
fadhigaasi waxa gudoominayay Maayar ku xigeenka Bebera Cabdi
Jaamac Faduul, isla markaana waxa goob joog ka ahaa badhasaabka
gobolka Saaxil, Maxamed Cabdilaahi Maxamed, iyadoo goobta shirka
lagu qabanayayna aad loo adkeeyayamniga oo la soo dhoobay ciidan
Boolis ah.
Cabdalle Maxamed Cali [Sandheere], oo ka tirsan Xisbiga UDUB, ayaa ku
guulaystay Duqa cusub ee Berbera, waxa u codeeyay 17 Xildhibaan oo
ka tirsan Golaha deegaanka oo ka kooban 21 Mudane.
Eng maxamed Cumar, ayaa isaguna helay 2 cod , halka Cawil Cali Sugulle
uu isna ka helay 1 Cod.
“Waxaan u Mahad-naqayaa Xildhibaanadii ii codeeyay ee I doortay iyo
kuwii kale ee aan ii codayn, waxana aan rajaynayaa inaan ku shaqeeyo
nidaamkii Maayarkii hore ee geeriyooday alle Ha u naxariistee Marxuum-
Siciid Daa’uud Cilmi” Sidaas waxa yidhi Maayarka cusub ee Berbera
Cabdalle sandheere, oo markii la doortay hadal kooban u jeediyay
Golaha deegaanka.
Cabdalle Maxamed Cali, isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxa
aan balan qaadayaa in aan taalo xusuus ah aynu u dhisno Maayarkii hore
ee geeriyooday ee magaalada Berbera, oo ahaa nin wax qabad weyn
muujiyay”.
Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maxamed Cabdilaahi Maxamed, ayaa
Golaha deegaanka Berbera ku amaanay sida degan ee ay isku doorteen
waxana uu duqa cusub u rajeeyay6 inuu noqdo mid ka soo baxa hawsha
culsas ee loo doortay.
Maayarka cusub ee Bebera waxa uu ahaa Maayarkii ugu horeeyay ee
Bebera, markii Golayaasha deegaanka dalka la doortay, bishii December
2002-dii, hase yeeshee waxa xilkaasi laga qaaday markii uu muddo
sanad ah hayay maayarnimada Magaalada Berbera iyo Gudoomiyaha
Golaha deegaanka degmadaas.
Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa
Goob Amaankeeda Aad Loo Adkeeyay Oo Lagu Doortay Maayarka Cusub ee
Bebera