WELCOME TO BERBERA CITY GOVERMENT & MUNICIPALITY
|
Building_ka Dowlada Hoose ee
Berbera. Berbera City Hall
Guddomiyaha Golaha Deegaanka
Abdi Jaamac Faduul.
Maxjarka Xoolaha ee Berbera
|
Guddoomiyihii u horeeyay ee
Golaha deegaanka ee Gobolka
Saaxil,isla markaana ah maayarka
magaalada Berbera: Cabdalle
Maxamed Carab (Sandheere)
United States Of America (Department Of
States )
Weftigii uu hogaminayey Madaxweynaha
JSL, Mud Daahir Rayaale ayaa qado
loogu sameeyay Xarunta Wasaradda
Arrimaha Debedda (State
Department-ka).
Rayaale Kaahin, waxa qado loogu sameeyay Xarunta Wasaradda Arrimaha
Debedda (State Department-ka). Qadadaasi waxa Madaxweynaha iyo
weftigiisa u fidiyey kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debdda Dr. Jendayi
Frazer, waxa kaaliyaha ku weheliyey ku-xigeenka kaaliyaha Xafiiska
Arrimaha Debedda, Agaasimaha Bariga Africa ee Arrimaha Debedda,
Madaxa Xafiiska Arrimaha Somaliland iyo Somalia iyo Madax kala oo ka
socday Wasaaradda Arrimaha Debedda.
Isla maanta waxa uu Madaxweynaha iyo weftigiisu la kulmay,Madaxa la
dagaalanka Argagixisada Caalamiga ah iyo Madax Sar Sare oo ka tirsan
Xafiiskiisa.
Sidoo kale waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa u bilaabantay shalay oo ay
bishu ahayd 14/10/08 kullamadii rasmiga ahaa, taas oo u wada hadal rasmi
ah kula yeesheen kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debedda Dr. Jendayi
Frazer iyo dhammaan hawlwadeenada xafiiskooda, waxa kaloo uu isla
shalay Madaxweynuhu la kulmay kaaliyaha Xog-hayaha Gaashaandhiga ee
Arrimaha Africa, Ms. Theresa M. Whalan oo uu kula kulmay Xarunta
Petagon-ka. Waxa kaloo weftiga Madaxweynuhu la kulmay USAID oo Hay’
adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan Maraykanka. Waxa kaloo
Madaxweynaha ku soo booqday Huteelka uu deggan yahay, La taliyaha
Gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Africa, Mr. Bobby J.
Pittman.
Kullamadaasi dhammaantood waxay ku dhammaadeen jawi is-afgarad
Buuxa, weftiguna waxa uu kala soo noqday jawi ididiilo.
Isla Habeenimadii Xalay, weftiga Madaxweynuhu, wuxuu ka qayb Xaflad
ballaadhan oo jaaliyadda Somaliland u qabatay Madaxweynaha, taasi oo
Madaxweynuhu uga waramay Jaaliyadda Somaliland ee Maraykan xaaladda
Dalku marayo, wixii qabsoomay iyo waxa aynu rajeynayno inay dhawwaan
inoo qabsoomaan, hadalkaa Madaxweynaha kadib, Jaaliyaddu waxay
halkaasi Madaxweynaha ku weydiiyeen su’aalo farabadan oo dhammaantood
Madaxweynuhu uga jawaabay si waafiya.
Kullamadaasi oo ay Madaxweynaha ku wehelinayeen, Wasiirka Arrimaha
Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Caafimaadka,
Mudane, Cabdi Haybe Maxamed , Wasiirka Caddaaladda, Mudane, Axmed
Cali Xassan, Wasiir ku Xiggeenka Qorsheynta, Mudane, Axmed Xaashi
Cabdi iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane, Axmed
Maxmed Ciise.
Allaa Mahad Leh
Amb. Sacad Sheekh Cismaan Noor
Wakiilka Somaliand ee Maraykanka.




